Fiqi: Waxaan la yaabay markii Amisom ay qadeynayaan in ciidamada DFS….

Wasiirkii hore ee wasaarada gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa ka sheegay xaflad uu ka hadlay in ciidamada AMISOM ay ka heersareeyaan ciidamada dowlada marka loo eego adeegyada ay u baahan yihiin.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in markii ugu horeysay ee uu xilkaasi qabtay uu la kulmay taliyaha ugu sareeya ciidamada AMISOM oo u sheegay in ciidamada AMISOM marka ay qadeynayaan in wax raashiin ah aan loogeynin ciidamada dowlada ee la jooga.

Wuxuu sidoo kale sheegay in arintaasi uu aad kaga damqaday laakiin ay tahay heerka ay marayaan ciidamada dowlada Soomaaliya ee la jooga ciidamada AMISOM, isagoo sheegay in adeegyada kalana ay kaga horeeyaan.

Halka Hoose Ka dhageyso