Socdaalka wasiirka DF ee Kismaayo oo lala xiriirshay garoonka diyaaradaha

Kismaayo (Caasimada Online) – Wasiirka Gaadiidka iyo duulista hawada ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Saciid Jaamac Maxamed Qoorsheel oo ay wehliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, saraakiil ka tirsan Hay’adda duulista iyo Saadaasha Hawada ayaa shalay gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Mudane Saciid Qoorsheel iyo mas’uuliyiinta la socday markii ay gaareen Kismaayo waxaa halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka KMG ah ee Jubba oo uu ugu horeeyo ku-xigeenka Hogaamiyaha Maamulka KMG ah ee Jubba Cabdiqaadir Xaaji iyo saraakiil kale.

Wasiirka iyo xubnihii la socday waxa ay kormeer ku sameeyeen qeybaha uu ka koobanyahay garoonka, si ay qiimeyn ugu sameeyaan dib u dhiska garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo oo ay qorsheynayaan in ay halkaasi ka bilaabaan.

Arrintaan ayaa qeyb ka ah qorshayaasha ay Mas’uuliyiinta Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista hawada ay ku doonaan in dib u habeyn lagu sameeyo garoomada diyaaradaha ee dalka ku yaalla, waxaana uu dhawaan Wasiirku socdaal ku tegay magaalada Baydhabo halkaasi oo ugu kuurgalayay garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi.

Si kastaba ma cadda weli sida ay wax u socdaan, maadaama maamulka Axmed Madoobe uu diiday inuu garoonka iyo dekedda Kismaayo ku wareejiyo dowladda, waxaana la ogeyn sababta keentay dib u dhis-ka ay DF ku sameeneyso garoonka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com