26.3 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Dhageyso: Dhacdo Xanuun badan oo qoys ku qabsatay Muqdisho

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada online) Waa dhacdo xanuun badan oo ka dhacday mid ka mid ah Degmooyinka gobolka Banaadir gaar ahaan degmada Cabdi Casiis ee magaalada Muqdisho .

Arintan ayaa waxaa geystay  nin magaciisa lagu sheegya Cabdi oo hore u qabi jiray Xaliimo Cali carab , hayeeshee marii dambe ay kala tageen , waxaana sida la sheegay ay u dhashay hal Cunug .

Cabdi, ayaasida la tilmaamay dab qabad siiyay Haweeneydii iyo nin ay wada joogeen gurigeeda oo lagu magacaabayay Maxamed Ibraahim Xaaji sida uu ku dhawaaqay Afhayeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Maxamed Yuusuf Cumar Madaale Afhayeenka ciidamada booliska Soomaaiyeed oo shirjaraad’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay inay wadaan baaritaano ku aadan sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen ruuxii falkan geystay.

Madaale wuxuu sheegay ka hor inta uusan ninkaan gubin uu basiin ku shubay isgoo hurdaya ninka naagta ay wada joogeen  kadibna uu Kabrid ku qabtay, waxaana intaasi kadib haweeneydii oo isku dayday inay qeyliso uu ku shubay  basiin soo haray iyadiina uu sidaasi ku gubatay

Wuxuu sheegay in labadii dhibane ee uu dambku haleelay in iminka xaalkooda caafimaad lagu baxnaaninayo mid ka mid ah isbitaalada Muqdisho, waxaana sababta dhacdhadaan ay u shacday uu ku sheegay inay tahay maseer galay ninkan  naagta hore u furay.

Arintan ayaa noqotay mid dad badan ay hadal hayaan waxaana ay noqoneysa dhacdo xanuun io saameynteeda wadata .

Halkaan hoose ka dhageyso Madaale 

 Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News