Mooshin la horgeeyay Baarlamaanka iyo xukuumadda R/W SAACID oo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ay ku yeesheen xarunta Golaha Shacabka waxa ay iskumari waayeen mooshin ay Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka usoo gudbiyeen Golaha, kaasi oo la xiriiray in Xeer Hosaadka lagu kordhiyo qodob ogolaanaya in Wasiirrada, Wasiiru dowlayasha iyo Wasiir ku xigeennada codka kalsoonida loogu qaado mid mid

Fadhiga Baarlamaanka ee maanta waxaa shir gudoominayey Mudane Mahad Cabdalla Cawad Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka waxaana ay Xildhibaannada Golaha Shacabka sii ambaqaadeen mooshin ay maalinnimadii shalay aheyd ka doodayeen oo la xiriiray in xeer hoosaadka Baarlamaanka lagu daro qodob ogolaanaya in Wasiirrada,Wasiirudowlayaasha iyo Wasiir ku xigeennada codka kalsoonida loogu qaado mid mid.

Xildhibaannada Baarlamaanka ayaa codeyn gacan taag ah u sameeyey mooshinkaasi ayadoo codeyntana ay ka qeybgaleen 157-Xildhibaan waxaana 115ka mid ah tiradaasi ay u codeeyeen “Haa” in mooshinkan lagu daro xeer hoosaadka, halka ay 33-Xildhibaannada kasoo horjeesteen oo ay codkooda ku yiraahdeen “Maya” sidoo kalena Sagaal Mudane ayaa ka aamustay.

Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo ku dhawaaqay natiijada codeynta ayaa sheegay in qodobkii mooshinka ahaa ee lasoo jeediyey uu jabay, maadaama sida uu qabo Qodobka 84aad ee Xeer hoosaadka Baarlamaanka , farqadiisa Labaad oo oraneysa hadii waxka bedel lagu sameynayo xeer hoosaadka Golaha waa inay mooshinkaasi soo jeediyaan 10-Xildhibaan ayagoo cod caqlabiyad lehna ka helay 50+1tirada guud ee Golaha Shacabka.

Dhinaca kale Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in Xildhibaannadii ka qeybgalay amaba goobjoog ka ahaa shirarkii kala duwanaa ee ka dhacay dalka gudihiisa iyo dibaddiisa laga doonayo iney shirarkaasi iyo heshiisyadii ay goobjooga u ahaayeenba ay horkeenaan Golaha Shacabka, si looga dhageysto warbixinadooda.

Sidoo kale Xildhibaannada Baarlamaanka ayaa kulankoodii maanta uga hadlay arimmo ay ka mid tahay ammaanka Xildhibaannada iyo sidii ay iskugu taageeri lahaayeen dhibaatooyinka lasoo dersa, ayadoo kulankana uu ka hadlay Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Mudane Xuseen Carab Ciise oo hada ah Gudoomiyaha gudiga difaaca ee Baarlamaanka, kaasi oo sheegay in ay lagama maarmaantahay in ammaanka Xildhibaannadu la siiyo ahmiyad gaar ah.

Keenista mooshin hala diido ama hala ogolaadee waa qeyb ka mid ah howl maalmeedka Xildhibaannada Golaha shacabka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caaasimada@live.com