Dhageyso: Dowladda UK oo loo gudbiyey dacwad ka dhan ah dowlada Somalia

Baydhabo (Caasimada Online) – Musharrixiinta la magac baxay isbedal doonka Koonfur Galbeed oo xukuumadda Soomaaliya ku eedeeyay in ay faragalin ku heeyso doorashada maamulkaasi ee dhowaan dhici doonta.

Musharrax Xasan Xaaji Ibraahim, oo kamid ah musharrixiintaas ayaa sheegay in doorashada madaxtinimada oo horay waqtigeeda loo shaaciyay in 17-ka bishani ay qabsoomayso aynaan suurtagal ahayn.

Wuxuu sheegay in ay jirto faragallin aan qarsoonayn oo dowladda federaalku ku heyso arrinta doorashada, iyada oo wadata musharrixiin gaar ah ayuu yiri.

Xildhibaan hore Xasan Xaaji Ibraahim ayaa sheegay in dacwadda ka dhanka ah faragallinta doorashada ee dowladda federaalka ay u gudbiteen safaaradda Britain ee Soomaaliya gaar ahaan safiir Devid Concar, kadib kulankii ka dhacay Baydhabo.

Waxaa uu hoosta ka xariiqay in walaac ay ka qabaan arrinka faragellinta isagoo daboolka ka qaaday musharrax Xasan Xaaji Ibraahim in wasaaradda arrimaha gudaha ay si weyn howsha doorashada ugu lug yeelatay.

Halkan Hoose Ka Dhageyso

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com