Is-beddel lagu sameeyay taliyeyaasha saldhigyada booliska G/BANAADIR

Muqdisho (Caasimadda Online) – Taliska Ciidanka Booliska gobolka Banaadir ayaa Isbedel ku sameeyay qaar ka mid ah Saraakiisha Booliska Saldhigyada Gobolka Banaadir iyo Saraakiisha qaabilsan qaybaha Ciidanka.

Taliska ayaa xilka ka qaaday Taliyeyaasha saldhigyadda  Degmooyinka Yaaqshiid, Dharkiinley, Hawlwadaag iyo Heliwaa , waxaana uu taliyeyaal cusub oo Boolis ah loo magacaabay degmooyinkaasi.

Waxaa sidoo kale xilkii laga qaaday  Taliyihii qaybta Galbeed ee Booliska Qaasim Axmed Rooble, waxaana xilkaasi loo dhiibay Sarkaal lagu magacaabo Xundubey oo ahaa Ku xigeenka Qaasim Axmed Rooble.

Taliyihii Saldhiga Degmada Heliwaa Khaliif Ilka case oo xilkaasi laga qaaday ayaa loo dalacsiiyay inuu noqdo Taliye qayb ka tirsan Ciidamada Booliska.

Tallaabadan is bedelka ah ee lagu sameeyay Taliyeyaasha Saldhigyada Booliska degmooyinka iyo Talis qeybeedyada ayaa la ogeyn inay jawaab u tahay qaraxyadii ka dhacay magaalada Muqdisho jimcihii la soo dhaafay, kaasoo dad badan ay ku dhinteen, waxaana Taliska Booliska uu sheegay inuu bilaabat baaritaan ku aadan qaraxyadaas.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com