Gaas oo Sool iyo Sanaag ka jaray Puntland (Dhageyso)

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo waresyi siinaya VOA-da aanteeda Af Soomaaliga ayaa isaga oo eedeynaya dowladda federaalka waxa uu ka hadlay xadka uu ka taliyo.

Wareysigan, ayaa ahaa mid uu Gaas si weyn ugu dhaliilay dowladda dhexe oo in muddo ah khilaaf kala dhexeeyey maamulkiisa iyo kuwo kale oo uu isaga horjooge u noqday.

Cabdiweli Gaas oo ka hadlaya awoodda uu leeyahay ama xadka uu maamulkiisa ku egyahay ayaa yiri “Waxaan maamulaa oo mas’uul ka ahay Gaalkacyo ilaa iyo Caluula”. Caluula waa gobolka bari.

Hadalka Gaas ayaa u muuqday inuu ku qiray xaqiiqda ah in gobolada Sool, Sanaag iyo magaalada Buuhoodle oo uu mamaulkiisa sheegto hadda aanay ka mid ahayn.

Sidoo kale waxa uu qishay in xuduudda maamulka Puntland ku kooban yahay laba gobol iyo bar, maadaama uu sheegay kaliya magaalada Gaalkacyo oo gobolka Mudug ka mid ah.

Hase yeeshee, isla Gaas waxa uu laba sano kahor ku aflagaadeeyey Madaxweynihii hore ee Soomaliya Xassan Shiekh Maxamuud oo wareysi lala yeeshay ku sheegay in maamulka Puntland yahay laba gobol iyo bar.

Gaas oo u jawaabayey Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa yiri “Hadalkiisa waa sida sagaaradii badda ku kalleetiday!”

Hoos ka dhageyso hadalka Gaas oo ka hadlaya xuduudda Puntland

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com