Xaaf: Ukumihii dowladda ay GAL-MUDUG dhigtay baa marba mid qarxaya

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Galgaduud saacadihii la soo dhaafay waxaa ka dhacay dilal oo qaarkood la sheegay in ay ahaayeen aanooyin qabiil,waxana dhacdooyinkaas dowladda Federaalka ku eedeeyay Madaxweynaha Maamulka Galmudug.

Madaxweyne Xaaf ayaa sheegay in khilaafka ka dhex jira dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada uu yahay mid dib u dhac badan keenay,hadii uu sii jirana uu sababi karo burbur ku yimaada dalka.

Axmed Ducaale Xaaf ayaa sheegay in waxa ka dhacaya Hobyo, Cadaado, Balanbale iyo deegaanka Afbarwaaqo uu sabab u yahay khilaafka dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada

“Waxa ka dhacaya Hobyo, Cadaado, Balanbale iyo Afbarwaaqo waxaa sabab u ah khilaafka dhowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, waa ukumihii ay meesha dhigeen baa marba maalin dilaaceysa, markaas baa bahal ka soo baxaya”ayuu yiri Axmed Ducaale Xaaf.

Waxaa uu sheegay inuu aad uga xun yahay dilalka ka dhacaya deegaankaas, isagoo xusay inay ka war hayaan in dad lagu dilay.

Xaaf ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka inay dalka iyo umadda u naxaan, khilaafkan la sii fogeynayo aan loo baahneyn sida uu hadalka u dhigay.

“Anaga haddaan dowlad goboleedyada nahay arrinteena wax qabasho ayay laheyd, wey fogaatay, waa la fogeeyay, haddii arrintaas fogaatay la soo celin burbur baa dalka ku imaan kara Soomaali oo dhan ku imaan kara”ayuu yiri Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Degmooyinka  Cadaado, Afbarwaaqo  iyo Hobyo ayaa waxaa ka dhacay dilal loo geystay Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dad rayid ah  halka degmada  Balanbale ay ka dhaceen dagaal beeleedyo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com