Madaxda Cable-lada ee Muqdisho oo xabsiga loo dhigay canshuur darteed iyo amar la dul dhigay

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo  gaaraya Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa sheegaya in Shalay Galab Wasaarada Maaliyada Xukuumadda Soomaaliya ay u yeertay qaar ka mid ah Maamulada Kaybilada TV-yada Muqdisho ayadoo aan loo sheegin waxa  loogu yeeray, Madaxda loo yeeray waxa mid ah Maamulka Muqdisho Cable TV, Astaan TV, Asal 24 TV iyo iyo Qaar kale.

Marka ay gaaren xafiiska wasaaradda Maaliyadda waxaa la weydiiyay lacag canshuur ah oo laga rabo Cable-lada TV-yadal, lacagta canshuurta laga ayaa la sheegay iney tahay labo sano oo kala ah 2017-2018, Waxaa kaloo la waydiiyay Lacag laga rabo Shaqaalaha ka Howlgala TV.

Kaybilada qaar waxa kuso baxay lacag dhan 20,000$ labatan kun ilaa 30,000$ , Maamulada TVyada ayaa ku dooday in lacagtaas aysan awoodin, dood dheer ka dib wasaarada Maaliyasda ayaa ka cafisay sanadkii tagay ee 2017.

Waxeysa ka codsatay in ay bixiyaan lacagta kusoo baxday sanadkaan lagu jiro ee 2018 mar kale ayay sheegen in aysan heysanin lacagta kusoo baxday sanadkaan balse ay lasoo tashanayaan maamulkoda guud.

Wasaaradda maaliyadda xukuumada soomaalia ayaa ka biyo diiday iney kala baxaan xafiiska lacagta lagu leeyahay.

Sida ay wararka sheegayaan Maamulada TV ayaa lagu Xanibay Xafiiska Wasaaradda Maaliyadda ee Dekadda Muqdisho halkaas oo ay Xalay ku hoydeen.

Wasaaradda ayaa Saaka amar cusub kasoo saartay waxaana Keebalada lagu amray inay damiyaan System-ka dhan inta ay ka bixinayaan lacagta, waxaana la filayaa inuu amarkaas hirgalo Saacadaha soo socdo.

Cabelada ay ku dhagan tahay Wasaaradda Maaliyadda ayaa Magaalada Muqdisho siiyo Chanalo kala duwan oo laga fiirsado Wararka, Ciyaaraha iyo Aflaanta, waxayna qaarkood leeyihiin illaa 50 Kun oo Macaamiil ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com