Maamulka Garbahaarey oo sharaxay sababta AXMED Madoobe loogu diiday inuu tago magaaladaas (Aqri)

Garbahaarey (Caasimadda Online) – Dibadbax ka dhan ah Madaxweynaha Mamaulka Jubbaland ayaa shalay ka dhacay Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo, kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in uu ku wajahan yahay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland.

Maamulka Gobolka Gedo iyo kan Degmada Garbahaarey ayaa sheegay in Safarka madaxweynaha aan ku qanacsaneen shacabka Degmada, sidaasne uu ku dhashay isku soo baxooda.

Sababo dhowr ah oo isbiirsaday ayay ku sheegay in loo diidan yahay socdaalka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) .

Aadan Bare Dhageey Gudoomiye ku xigeenka Degmada Garbahaarey oo ayaa sheegay in 7-sano uu xilka hayo aan Madaxweynaha Jubbaland tagin Gobolka Gedo.

Mudadaas ayuu tilmaamay in ay ka dhaceen Tacadiyo ay geysteen Ciidamada Kenya, Dagaal Beeleedyo iyo Fatahaad saameeyay Dadka Gobolka.

Ciidamada Kenya waxa uu sheegay in Degmooyinka Gobolka ay duqeymo ku waxyeeloobeen shacab ka geysteen, sidoo kalena ay kufsadeen Haween, madaxweyne Axmed Madoobane aan ka hadlin sida uu hadalka u dhigay.

Khilaafka ka dhex jira Dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland ayuu sabab ugu dhigay in ay qayb ka tahay waxyaabaha keenay in ay kacaan Dadka Gobolka Gedo.

Wasiirada Amniga iyo Arrimaha Gudaha Jubbaland ayaa wado isku dayo ay ku doonayaan in ay ku dajiyaan Shacabka Gedo si aanu u baaqan Safarka Madaxweynaha uu u qorsheeyay Gobolka.

Lama ogo in Madaxweynaha Jubbaland uu dib ugu laabtay go’aankiisii ahaa in uu tago Gobolka Gedo iyo in kale.

Caasimada Online
Xafiiska Garbahaarey
Caasimada@live.com