Wadooyinka magaalada Muqdisho oo halis ugu jira inay gebi ahaan burburaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah dhismayaasha Laamiyadda cusub ee laga hergeliyay magaalada Muqdisho ayaa halis ugu jira inay burburaan, iyadoo qaarkood ay ka sameysmeen gododo waayeen oo sii weynaan kara.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa u muuqda mid indhaha ka eeganaya halista ay ku jiraan laamiyada qaar oo qaarkood u dhow madaxtooyada Soomaaliya.

Laamiga ugu daran ee laga hergeliyay magaalada Muqdisho islamarkaana meelo badan ka burbureen ayaa ah laamiga Mara Isgoyska Ceelgaabta, waxaana burburkiisa uu kasoo bilowdaa Suuqa Beerta ee degmada Waaberi ilaa uu ka yimaada beerta Nabadda.

Gabi ahaanba Laamigaasi ayaa qarka u saaran inuu burburo, waxaana goobta ugu daran ay tahay isgoyska Ceelgaabta oo xitaa madaxda dalka ay maraan marka ay kasoo baxaan madaxtooyada iyo marka ay galayaan.

Sababta keeneysa burburka ayaa ah wasaq badan oo laamiga iska taalo, iyadoo biyaha wasaqda ay madoobaadeen, waxaana jirin cid iska xilsaartay inay hagaajiyaan wasaqda tirada badan ee halkaasi taala.

Halista kale ee halkaasi ka jirta ayaa ah in wasaqdaasi ay ka dhalan karto caafimaad daro, iyadoo dadka ay biyaha Laamiga iska raacsiiyaan oo kaliya.

Maamulka Gobolka ee uu hogaamiyo Yariisow ayaan sidoo kale wax ka qaban biyaha madowga Noqday ee dhexyaala degmooyinka Xamar Jajab, Xamarweyne iyo Waaberi, waxaana badalkiisa lagu mashquulay arimo kale oo aan muhiim aheyn.

Waxaa jiro canshuur badan oo laga qaado dadweynaha Muqdisho, waana dadka ugu badan ee bixiya canshuurta, balse waxaan la ogeyn halka la geeyo lacagtaasi, iyadoo ay iska cadahay inay shaqsiyaad jeebkooda ku dhacdo.

Eng Yariisow ayaa hagaajinta nadaafadda Muqdisho oo Bishiiba Mar la qaban jiray ku badalay soo saarista Amaro aan dhaqan galeynin iyo shirar aan dani ugu jirin shacabka Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com