Puntland oo ballan ka bax ku eedeysay Kheyre kana digtay xubno uu soo diray

Garoowe (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Nugaal ee Puntland Cabdisalaan Xassan (Gu’jir), ayaa eedeyn kulul u jeediyey ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo xildhibaano ka tirsan golaha shacabka.

Gu’jir ayaa sheegay in ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu siyaasiyiin iyo xildhibaaano usoo diray gobolka Nugaal, kuwaas oo uu sheegay in ay faragelin ku hayaan arrimaha maamulka.

Waxa uu sheegay in tallaaba kasta oo la doonayo in xildhibaanada iyo Wasiirada xukuumadda Soomaaliya ay ka sameeyaan gobolka Nugaal ay soo maraan madaxweynaha Puntland Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas, haddii aysan taas dhicinna aan la aqbali doonin.

Puntland ayaa horey wasiiro ka tirsan xukuumadda Kheyre uga horistaagtay inay shirk u qabsadaan magaalada Garoowe, xilli khilaafka labada dhinac uu sii xoogeysanayo.

Wareysi uu siiyey idaacadda VOA, ayaa madaxweynaha Puntland Cabdi Weli Gaas waxa uu dowladda Soomaaliya ku eedeeyey inay ka fakarto oo ay dhaqaale siiso kaliya shaqaalaha dowladda ee ku sugan Xamar.

Dhinaca kale, Guddoomiye Cabdisalaan Xassan (Gu’jir) ayaa sheegay in ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uusan fulin balan qaad uu horey ugu sameeyay bahda ciyaaraha gobolka Nugaal, gaar ahaan garoonka Mire Awaare ee magalada Garoowe.

Hoos ka dhageyso shirka jaraa’id ee guddoomiyaha gobolka Nugaal

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com