Faysal Cali Warabe: Wiilka yar ee Farmaajo ah ayaa Itoobiya naga soo xiray

Hargeysa (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka UCID ee Somaliland Feysal Cali Waraabe oo ka qeybgalay xus loo sameeyey Warihii hore ee BBC Axmed Xasan Cawke oo sanooyin ka hor geeriyooday ayaa weerar afka ah ku qaaday Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Feysal Cali Waraabe ayaa Farmaajo ku eedeeyey inuu hor taagan yahay aqoonsiga Maamulka Somaliland oo aan weli ku guuleysan inuu helo hal wadan oo Ictiraaf siiyo.

Waraabe ayaa si weyn uga deyriyey halka ay ku socoto Somaliland, isagoo sheegay sababo dhowr ah oo keenay in 27 sano ay ictiraaf heli waayaan.

“Waa tan maanta keenay in inamo yaryar – Farmaajo wuxuu ahaa 15 sano jir markii uu Mareykanka tegayey- inuu naga soo xiro Itoobiya.. waayo anagaa isu jeedna..” ayuu yiri Feysal Cali Waraabe/.

Haddaba halkaan hoose ka daawo Muuqaalka

.Caasimada Online
Xafiiska Garheysa
Caasimada@live.com