Hadalka Abiy ee midowga Eritrea, Ethiopia & Somalia iyo waxa la gudboon DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Ethiopia ayaa markale jeediyay hadal xiisad cusub ka dhex abuuri kara Soomaalida, kadib markii uu shaaciyay in dalalka Soomaaliya , Ethiopia iyo Eritrea ay yeelanayaan hal madaxweyne.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa hadalkaan u arki kara fulinta qorshaha Ethiopia waligeed lagu xaman jiray oo ah inay damacsan tahay la wareegida Dalka Soomaaliya, iyadoo ujeedada ugu weyn ay tahay xeebta dheer ee Soomaaliya.

Dr Abbiy Axmed, ayaa horey u jeediyay khudbad hadal heyn badan ka dhex abuuray Soomaalida, taasi oo aheyd in la isku furayo xuduudaha dalalka Ethiopia iyo Soomaaliya, waxaana looga fal celiyay siyaabooyin kala duwan.

Waxaa la isweydiinayaa sax ahaanshaha hadalada is furfuraya ee ka soo baxaya ra’iisul wasaare Abby Axmed iyo saaxiibtinimada dhow ee kala dhaxeysa madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Horey waxaa shaki badan looga qabay heshiiskii dekadaha ee ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Ethiopia, waxaa ku xigay isku furitaanka Soomaaliya iyo Ethiopia, iyadoo ay u dambeysay damaca hal madaxweyne loogu sameynayo seddexda dal.

Ciidamada Badda ee ay dhisaneyso Ethiopia iyo magacaabida wasiirka Dekadaha ee Ethiopia waxay ahaayeen kuwo shakiyo badan sii dhaliyay, waxaana ka dhashay su’aalo ah, halkey ilaalinayaan ciidamada Badda Ethiopia?, muxuuna ka shaqeyn doonaa Wasiirka dekadaha.

Waxaa kaloo shakiga kordhin kara mar walbaa oo ay kulmaan madaxda Soomaaliya iyo Ethiopia Waxaa Abby uu ka shanqariyaa hadal xanaf hor leh abuuri kara.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa la gudboon inay ka jawaabto hadalada kasoo yeeraya ra’iisul wasaaraha Ethiopia haddii aysan waxba kala socon, haddii kale waxay sii kordhin karaan dhab ahaanshaha warbixinada xanafta leh ee ka imaanaya Ethiopia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@Live.com