Afgooye (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta booqasho dhulka ah ku tagay Magaalada Afgooye ee Gobolka Shabeelada hoose, wuxuuna halkaas kula kulmay qeybaha kala duwan ee Magaalada.
markii la wada hadlay kadibna madaxweynaha ayaa ka hadlay waxyaabaha uga soo baxay kulankii uu la qaatay odayaasha Magaalada Afgooye, isagoo ka dhawaajiyey inay kulankaas uga soo baxday seddex arrin oo loo baahan yahay in dadka Shabeelada Hoose loo qabto.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in loo baahan yahay seddexda qodob ee soo socto:
1) Dib u heshiisiin in loo baahan yahay.
2) In dib u dhis loo baahan yahay
3) Dib u xoreyn loo baahan yahay
Markii qodobadaan sheegay kadib madaxweynaya ayaa yiri” “ seddexdaas qodob Waxaa aasaas u ah caadaaladda, Cadaaladda adigaa ku nool iyada kuguma noola, meelaa cadaalad laheyn ilaahey makaraameen, abaaraha iyo dagaalada waxaa sababay cadaalad darrada”
“ Magaalada Afgooye waan imaan jiray, kaligeyna maahan dadka oo dhan ayaa imaan jiray, waa magaalo fiican oo soomaali u dhaxeyso, oo daris wanaag leh dad fiican ay joogaan ayey ahaan jirtay, haddana waa la raadin karaa, waana la heli karaa, dadkeeda adinkaa ah, dowladiina ballan qaad aad ka heysataa ” ayuu sii raaciyey Farmaajo.
“ Dib u heshiisiinta macanaheeda waxay tahay in la wada noolaado, in la ogolaado walaatinimada, in la is cafiyo, intaas hadaan la helina cid ku noolaan karto ma jirto Magaalada”
“ Dowladda waxay marka hore xoogga saari doontaa dib u heshiisiin, haddii aysan dadka isku calool furneyn, haddii aysan dadka walaaloobin nabad lagama hadli karo, marka waxaan idinka codsanayaa inaad nagala shaqeysaan arrimaha dib u heshiisiinta, dad wanaagsan ayaad tihiin kuwa ku noolaan jiray iyo kuwa yimid, waa Magaalo Soomaaliyeed” ayuu yiri Farmaajo.
Haddaba halkaan hoose ka dhageyso qudbada uu Madaxweynaha ka jeediyey Afgooye.

