Sawiro: Ra’iisulwasaare Kheyre oo Midowga Yurub shir kula qaatay Markab dagaal dushiis

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta booqday Markab dagaal oo taagnaa Xeebaha Muqdisho, kaasoo ka mid ah maraakiibta dagaalka ee Midowga Yurub ee ka qeyb qaadanaya howl galka la dagaalanka burcad badeedka ee loogu magac daray ATLANTA.

Waxaa markabka geysay diyaarad Helicopter ahoo ka qaaday garoonka diyaaradaha Muqdisho. Kulan ka dhacay Markabka dushiisa waxaa goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha, Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Verinique Lorenzo, Taliyaha Howlgalka ATALANTA iyo Saraakiil kale.

Kulan ka dhacay Markabka dushiisa ayaa waxaa yeeshay Ra’iisul Wasaaraha, Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Verinique Lorenzo, Taliyaha Howl galka ATALANTA iyo Saraakiil kale.

Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya Veronique Lorenzo oo saxaafada kula hadashay gudaha markab howlgalka ATLANTA ayaa sheegtay in ay ka go’an tahay in ay Soomaaliya ka gacan siiyaan dib u soo celinta hey’adaha dowliga ah.

“Waxaan ka wada hadalney sidii shaqooyinka ay wada qabtaan midowga Yurub iyo Soomaaliya ay noqon lahaayeen kuwo muuqda loona xoojin lahaa, sidii aan ugu wada shaqeyn laheyn in burcad badeeda anaga aan isaga difaaci laheyn tababar iyo qalabna loo siin lahaa ciidanka waana ku heshiiney sidii aan ugu wada shaqeyn laheyn,” ayuu sheegay ra’iisal wasaare Kheyre.

MAJ. Janaral Robert Magawan oo ah taliyaha howlgalka ATLANTA ee xeebaha dalka ayaa sheegay in shaqo wanaagsan ka qabteen biyaha Soomaaliya mudadii ay ka howlgalayeen isla markaana ay ka hortageen falal badan oo kooxaha burcad badeeda ah ay ka geysteen biyaha dalka, isagoo sidoo kale tilmaamay in bilihii u dambeeyay weerarada ka dhacay xeebaha dalka ay muujineyso sida burcad badeeda isugu dayayaan in ay mar kale dib u soo laabtaan.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa midowga Yurub ugu mahadceliyay taageerada ay siiyaan dowladda Soomaaliya, isagoona sheegay in midowga Yurub ay ka codsadeen xoojinta iyo dar dargelinta howlaha loogu hortagayo kaluumeyiga sharci darada ah ee ka dhacay biyaha Soomaaliya.

“Waxaan ka wada hadalney sidii shaqooyinka ay wada qabtaan midowga Yurub iyo Soomaaliya ay noqon lahaayeen kuwo muuqda loona xoojin lahaa, sidii aan ugu wada shaqeyn laheyn in burcad badeeda anaga aan isaga difaaci laheyn tababar iyo qalabna loo siin lahaa ciidanka waana ku heshiiney sidii aan ugu wada shaqeyn laheyn,” ayuu sheegay ra’iisul was are Kheyre.