R/W Kheyre oo difaacay howlaha uu wado madaxweyne Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre ayaa ka hadlay talaabooyin uu wado Madxaweynaha Somalia tan iyo markii loo doortay Hogaaminta Somalia.

Ra’isul wasaaraha ayaa sheegay in Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo uu dhexda u xirtay sida lagu xalin lahaa tabashooyinka Umadda Soomaaliyeed waxa uuna meesha ka saaray in Madaxweynaha uu dano gaara ka leeyahay Safarada dalka dibadiisa iyo Gudihiisa.

Waxa uu tilmaamay in Madaxweynaha Somalia uu muddo kooban ku qabtay shaqooyin farabadan isagoo ka dhabeynaaya Hadafkiisa shaqo Qaran.

”Dowlada Somalia waxa ay u baahan tahay in garab lasiiyo waxaan filayaa in dowlada uu Hogaaminayo Madaxweyne Farmaajo ay waxbadan ka duwan tahay kuwii hore waayo Madaxweynuhu waxaa ka go’an inuu isku keeno bulshada”

”Madaxweynuhu muddo kooban ayuu ku xaliyay dhibaatooyin badan oo horyiilay dowlada sidaa darteed waxaan ku baaqayaa in garab lasiiyo dowlada”

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa sheegay in qorshaha dowlada uu yahay in muddo kooban lagu xaliyo dhamman tabashooyinka Umadda Soomaaliyeed waxa uuna taa ku tilmaamay in xalkeeda uu yahay mid ku xiran dowlada oo garab lasiiyo.

Haddalka Ra’isul wasaaraha ayaa imaanaya xili DFS ay dhaliilo kala duwan kala kulmeyso beelo dhowr ah kuwaa oo tabanaaya in laga gaabiyay xuquuqdooda.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET