Muxuu Kheyre ka yiri dayacnaanta Xeebaha Somaliaiyo ciidamada Badda ?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre ayaa ka hadlay baahida ay Somalia ee ku aadan helida ciidamo tayo leh oo ka howlgala Badda Somalia.

Ra’isul wasaaraha waxa uu sheegay in ciidamada Badda Somalia aysan ku filneyn ilaalinta Xeebaha Somalia, waxa uuna meesha ka saaray inay heystaan agab ku filan.

Kheyre waxa uu sheegay in DFS ay si dhaqsi ah ku qaadi doonto talaabo lagu kobcinaayo ciidamada Badda Somalia, waxa uuna cadeeyay in lama huraan ay tahay in Somalia ay hesho ciidamo lagu daydo.

Waxa uu hoosta ka xariiqay inaanu wali arag ciidamo ku howlan ilaalinta Xeebaha Somalia, waxa uuna talaabada noocaasi ah ku sheegay gaf Qaran.

Waxaa uu sheegay in Saraakiisha Midowga Yurub ee uu kula kulmay Markabka dagaal ee ku sugan xeebaha Somalia ay u balan qaadeen in la tayayn doono ciidamada badda Soomaaliya.

Kheyre ayaa tilmaamay in ay muhiim tahay in la dhiso ciidamada badda si ay uga hortagaan kooxaha burcadbadeeda Soomaalida.

Waxaana uu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in ay difaacato badaheeda.

Geesta kale, Ra’isul wasaare Kheyre ayaa Saraakiisha ciidamada Badda Somalia ugu baaqay inay isku diyariyaan dadaal lagu sara qaadayo awoodooda ciidan.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET