25.3 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Dhageyso: GAAS oo beeniyey war laga faafiyey

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Boosaaso (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland oo waraysi siiyey idaacadda VOA ayaa mar kale ku celiyey in aan shirkii Kismaayo bur-burin ee hadalku meel wanaagsan gaarey dhamaystirna rabo, isaga oo soo xiganaya hadalkii Raysal wasaaraha Soomaaliya Sharmaarke.

Madaxweynaha Puntland oo si toos ah loo weydiiyey in Puntland ay ka soo debecdey ama ka tanaasushey Aqalka hoose in deegaan lagu soo xulo isla markaana oggolaatey 4.5, laakiin lagu kala kacay qaabka loo soo xulayo Xildhibaanada Aqalka sare, ayaa ku tilmaamey mid aan jirin oo aysan Puntland marna ka tanaasulin in deegaan lagu soo xulo Xildhibaanada.

Madaxweynaha ayaa la weydiiyey in ay jireen wax uu ka tanaasuley, waxa uu ku jawaabey waxaan haysanaa Mandate aan gor-gortan ku galno oo an na siiyeen shacabka Puntland, wuxuu meesha ka saarin in go’aamada qaar la isaga kacaayo ama la isaga tanaasualayo.

Kadib shirkii natiijo la’aanta ee Kismaayo ayaa warar ka soo baxay sheegeen in Puntland iyo Jubaland ay oggolaadeen in Aqalka hoose lagu soo xulo 4.5 iyo deegaan isku dhafan halka Aqalka sare lagu soo xulo 18-kii gobol ee Soomaaliya ay lahayd ka hor 1991, kaas oo dastuurkuna qabo.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in aysan jirin weli goor iyo goob sax ah oo dib loogu ballamey, isla markaana aysan weli helin wax marti qaad ah, laakiin ay maqleen in shir labaad la isugu imaanayo oo ay tegayaan iyaga oo ilaalinaya maslaxadda umadda Soomaaliyeed.

Hoos ka dhegayso waraysiga Madaxweynaha:

[su_audio url=”http://caasimadda.net/wp-content/uploads/2016/01/b5e91a9f-7395-4f38-8fac-4695f85eed7e.mp3″]

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News