Dhageyso: Gaas oo bixiyey wareysi culus kana hadlay is-casilaada Shariif Xasan & arrimo kale oo xasaasi ah

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay asalka khilaafka u dhaxeeyay dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, kaasoo maraya heerkii ugu xumaa oo sababay inuu go’o xiriirkii wada shaqeyn ee labada dhinac u dhaxeeyay.

C/Weli Gaas oo ka qeyb galayay barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha oo ka baxa Laanta afka Soomaaliga ee VOA, kaasoo su’aalo lagu weydiiyay.

Qeyb ka mid ah wareysiga C/weli Gaas ayuu kaga hadlay khilaafka, waxaa uu sheegay in khilaafka dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada aanay aheyn mid shaqsi ah.

Waxaa uu sheegay in waxa ugu weyn oo la isku haayo ay tahay is faham darro iyo mabaa’diida laga aaminsan yahay Federaalismka.

C/weli Gaas waxaa uu sheegay in dowladda Federaalka ay mar walba isku koobto awoodaha dalka, isagoo xusay in maamul goboleedyada ay yihiin kuwo mas’uuliyad haya oo matal deegaano iyo dhul baaxad leh.

Waxaa uu tusaale u soo qaatay in dowladda ay mar walba dhahdo mushaar ayaa shaqaalaha dowladda iyo ciidanka bixinaa, waxaana uu tilmaamay in mushaarkaas iyo ciidanka uu ku eg yahay kaliya magaalada Muqdisho oo aanay ciidamada jooga maamul goboleedyada aanay siin wax mushaar ah.

Sidoo kale waxaa uu ku eedeeyay dowladda Federaalka faragelinta ay ku heyso doorashada Koonfur Galbeed, isagoo xusay in xildhibaano laga keenay Baydhabo la geeyay Muqdisho, lacago laaluush la siiyay, Hotelo la dejiyo, sidoo kalena dhaqaalihii dowladda loo adeegsanayo in diyaarado baabuur lagu geeyo Baydhabo.

Halkaan hoose ka dhageyso codka Gaas

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com