Cidiamada PUNTLAND oo weerar ku qaaday baabuur ay la socdeen wasiiro ka tirsan SOMALILAND

Laascaanood (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Magaalada Laascaanood ee Gobalka Sool ayaa Sheegaya in Ciidamo ka tirsan Puntland ay weerar ku qaadeen wasiiro ka tirsan Somaliland oo  ka yimid magaalada Hargaysa.

Xubnahan wasiirada ayaa waxaa la sheegay in madaxweynaha Somaliland uu u soo diray deegaanka Dhummay, si ay u soo qiimeeyaan xaalada ka taagan deegaankaasi.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Axmed Kaahin iyo wasiirka Biyaha Somaliland Saleebaan Yuusuf Koore ayaa loo diidey ka qaybgalaan shirka lagu qabanayo Deegaanka Dhumey ee Koofurta Gobalka Sool.

Wasiiradda kolanyadda la socotay waxaa kamid ah, Maxamed Kaahin Axmed oo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha maamulkaan gooni isku taaga ah, kuwaasi oo weerarka kadib dib ugu laabtay dhinaca Laascaanood.

Lama soo warin hadii ay jirto khasaaro dhimasho iyo dhaawac oo iska hor-imaadkaan uu sababay, kaasi oo imaanaya xili tuulada Tukaraq ay iska hor-fadhiyaano ciidamo labada maamul kala taabsan.

Ciidamada Puntland ugu jira aaga shacabka ka caagan ee Tukaraq oo dhowr jeer kasoo baxay ayaa ka sameeyay xarunta Puntland ee Garowe gadood, iyaga oo ka cabanaya mushaar la’aan uu maamulka Cabdiwali Gaas musuq-maasuqay.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii Madaxwaynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi uu iclaamiyay shir-wayne lagu qaboojinayo colaada dib uga qaraxday Sool, taasi oo ay ku geeryoodeen inta la hubiyay 50 ruux.

Caasimada Online
Xafiiska Laascaanood
Caasimada@live.com