JUXA “Qadiyad ayaan ugu jiraa siyaasadda” + Video

Garoowe (Caasimada Online) – Cabdi Faarax Siciid Juxa wuxuu ka mid yahay siyaasiyiinta u sharaxan xilka madaxtinimada Puntland ee shanta sano ee soo socota. Aad ayaa looga hadal hayaa gudaha iyo dibbada. Doorashadu waxey dhici doonta horaanta bisha Janaayo ee sanadka soo socda.

Isagoo boqolaal Soomaali ah kula hadlayay dibbada ayuu Juxa sheegay inuu siyaasada ugu jiro qadiyad iyo inuu lee yahay aragti gaar ah oo uu aaminsan yahay inuu Puntland kaga saari karo gaabiska maanta jira.

Juxa wuxuu qabaa in siyaasadu ay tahay wax kordhi, oo dadka wax ku biiri adna taariikh reeb. Hadalka wasiirkii hore arrimaha gudaha waxaa laga fahmaya inuu fariin u yahay siyaasiyiinta dhaqaale doonka u yimmid fagaaraha siyaasada.

Musharax Juxa wuxuu sheegay inuu heysto aragti uu aaminsan yahay in hadii uu ku dabaqo Puntland, iney wax badan ka tari doonto. Wuxuu ku dooday iney Puntland mudan tahay iney doorato dad qiimaheeda yaqaana oo gaarsiin kara meesha ay dadkeedu maanka ku hayaan.

Deeganada Puntland waxaa hada ka socda doorashada kuraasta xildhibaanada Baarlaamanka, kuwaas oo iyagu dooran doona madaxweynaha xiga.

Hoos ka daawo muuqaalka

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com