Dhageyso: Xilliga rasmiga ah oo doorashada Koonfur Galbeed ay dhaceyso

Baydhabo (Caasimadda Online) – Iyadoo cabsi xoogan ay ka taagan tahay in ay dib u dhacdo doorashada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo la qorsheynayo in ay dhacdo biloowga todobaadka soo aadan, ayaa waxaa arrintaa ka hadlay Wasiirka warfaafinta ee Koonfur Galbeed.

Ugaas Xasan Cabdi Maxamed ayaa sheegay in aysan dib uga dhici doonin doorashada xilligii loogu talagalay oo ah 17 bishan November oo ay isla xiligaasi ku qabsoomi doonto sida uu sheegay.

Waxa uu sidoo kale sheegay in dhawaan lasoo magacaabi doono tirada ka dhiman gudiga doorashada maamulkaasi oo dhawaan iscasilay, waxaana soo magacaabi doono si haayaha madaxweynaha maamulkaasi ahna Gudoomiyahya Baarlamaanka Koonfur Galbeed C/qaadir Shariif Sheekunaa Maye.

Halkaan Hoose ka dhageyso hadalka Wasiirka:

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com