Dhageyso: Gaas oo ka hadlay doorashadii looga adkaaday

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas oo shir jaraa’id ku qabtay magalada Garoowe, ayaa ka hadlay doorashadii shalay looga guuleystay, isaga oo farriinna u diray shacabka Puntland.

Gaas ayaa u hambalyeeyay madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka cusub ee Puntland loo doortay, isaga oo sheegay in si xor iyo xalaal ah ay ku dhacday doorashada, islamarkaana dadka reer Puntland ay yihiin dad mid ah.

“Puntland waa mid mana kala lahan qabiil iyo reer iyo gobol” ayuu yiri Gaas.

Gaas ayaa ciidamada qalabka sida ee Puntland ugu baaqay inay shaqooyinkooda sii waataan, isla markaana ay si adag u ilaaliyaan xaduudaha dowlad goboleedka Puntland.

Isaga oo sii hadlayay ayuu sheegay in uu si gaar ah ula shaqeyn doono madaxweynaha cusub ee Puntland loo doortay, sidoo kalena uu tallooyin ku darsan doono, waxaana shacabka iyo ciidamada Puntland uu ugu baaqay inay midoobaan.

Waa shirkii jaraa’id ugu horeeyay ee uu qabtay madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas 24 saac kadib markii looga adkaaya doorashada madaxtinimo ee shalay ka dhacday magalada Garoowe.

Hoos ka dhageyso shirka jaraa’id ee Gaas

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
caasimada@live.com