Muqdisho (Caasimada online) Ra’isul wasaarihii hore ee Somalia Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas, ahna musharax u taagan qabasha xilka madaxtinimada Maamulka Puntland ayaa ka hadlay dhibaatada iminka ka jirta qeybo ka mid ah deegaanada Maamulka Puntland.
Ugu horey wuxuu tacsi u diray dadkii ay wax yeelada kasoo gaartay Duufaantii Roobabka iyo dabeylaha wadatay ee ku dhifatay qeybo ka mid ah gobolada Bari iyo Nugaal ee Maamulka Puntland .
Gaas, ayaa guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed meel waliba oo ay joogaan wuxuu ka dalbaday caawinta walaalahoodu ku dhibaateysan Bari iyo Nugaal , waxaanauu sheegay in xilligan loo baahan yahay in shacabka Soomaaliyeed ay iyaga wax is taraan .
Caalamka iyo dalalka deeqaha bixiya ayuu sidoo kale wuxuu ugu baaqay inay il naxariisleh ku eegaan dadka ay sameynta ku yeesheen Roobabka dabeylaha wata ee ka da’ay Puntland qeybo ka mid ah .
Cabdi wali Gaas, oo hore Somalia Ra’isul wasaare uga soo noqday ayaa si gaar ah Farta ugu fiiqay Jaaliyada reer Puntland ee ku dhaqan caalamka in looga fadhiyo inay dhexda u guntadaan sidii ay wax u tari lahaayeen walaalohooda dhibaatadu ay la soo daristay.
Madaxweyne Faroole ayaa si cad u sheegay in dhibaatada iminka ka jirta Puntland wax ka qabasheedu ay ka wyntahay maamulka iminka halkaasi ka jira ee uu hoigaamiyo waxaana uu caalamka ka dalbaday in laga gacan siiyo wax ka qabashada arintan .
Halkaan Hoose ka dhageyso Cabdi wali Maxamed Cali Gaas
Halkaan ka dhageyso Gaas oo baaq diraya
Caasimada online
Xafiiska Muqdisho

