Dhageyso: Madaxweynaha Somalia oo war kasoo saaray Colaadaha Sh/Dhexe

Muqdisho (Caasimada online) Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in loo baahan yahay wax kaqabasha xiisada dagaal iyo fatahaadaha ka jira gobolka Shabeelaha Dhexe.

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu sheegay in booqosho dhowaan uu ku tagay Shabeelaha Dhexe ay aheyd mid uu ugu kuur galayay dhibaatada gobolka hayeeshee wuxuu sheegay in shacabka gobolkaasi ay isku biirsadeen laba dhib oo ah mid dabiici ah iyo mid ay gacmohoodu ku kasbadeen sida uu sheegay .

Dagaalada kasoo kordhay gobolka ayuu shaaca  ka qaaday in loo baahan yahay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo joojiyo odayaasha labada dhinacna ay ka qeyb qaataan joojinta xiisada gobolka.

Madaxweynaha Somalia wuxuu sheegay in shacabka gobolka Sh/Dhexe looga baahan yahay inay gacmaha is qabsadaan waxaana uu sheegay in dagaal aan xilligiisa la joogin loona baahan yahay in lagu dadaalo sidii gacmaha la isku qabsan lahaa .

Dad badan ayuu sheegay inay ku hanti waayeen fatahaada webiga shabeelle uu ka geestay deegaano iyo tuulin ka tirsan kuwa hoostaga magaalada Jowhar , waxaana uu carabka ku adkeeyay in xilligan aan loo baahneyn dhiig daata iyadoo xilli adag lagu jiro  sida uu shaaciyay .

Maalmo ka hor ayuu madaxweyne Xasan Sheekh Booqasho hal maalin ah wuxuu ku tagay magaalada Jowhar ee xarunta shabeel;aha Dhexe waana tii labaad ee magaaladasi ku tago tan iyo markii la doortay .

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com