Dhageyso: GABAR 14 jir ah oo dhacdo aad looga naxo loogu geystay degmada Balcad, SH/DHEXE

Muqdisho (Caasimada Online)-Dhacdo xanuun badan ayaa ka dhacday deegaan ku yaala duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kadib markii duleedka degmada lagu dilay gabar 14 sano jir ah.

Gabadha ayaa waxaa la sheegay in la kufsaday kadibna lagu dilay aalada tooreyda, sida ay xaqiijiyeen maamulka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Gudoomiyaha arimaha bulshada degmada Balcad ayaa sheegay in gabadha ay ilaalineysay ari laakiin wiil dhalinyaro oo da’diisa lagu qiyaasay 27 ayaa kufsaday kadibna dilay,

Gudoomiyaha wuxuu sheegay in falkaasi markii uu dhacay waalidiinta gabadha dhalay ay iyagana dileen wiilkii gabadha kufsaday kadibna dilay.

Hoos ka dhageyso wareysiga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com