“Khilaafka dowladda iyo Jubbaland looma joojin doono qorshaha ciidamada ee Kismaayo”…DIINI

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya C/qaadir Sheikh Cali Diini ayaa ka hadlay isku dhafka ciidamada dowlada Soomaaliya iyo khilaafka dowlada Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubba.

Wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya ayaa sheegay in isku dhafka ciidamada dowlada Soomaaliya ay tahay dan guud ahaa qaranka Soomaaliya leeyahay, oo aan loo joojin doonin khilaaafka dowlada Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland.

Wuxuu sheegay in khilaafka uu yahay dano shaqsiyadeed, laakiin marnaba uusan fileynin in danta qaranka Soomaaliya loo joojiyo khilaafka ka dhextaagan Jubbaland iyo dowlada Federaalka Soomaaliya.

“Dhamaan ciidamada waxaan dooneynaa inaan isku dhafno, uma maleynayo in danta qaranka guud ahaan in lagu xiro doono siyaasad ahaan la isku hayo, mana ilahan iney sidaasi dhaceyso, tan isku dhafka waa dan qaran”ayuu yiri wasiir Diini.

Wasiirka ayaa hadalkaan jeediyay kadib markii wareysi uu siiyay VOA isagoo ku sugan dalka Mareykanka, wuxuuna kamid yahay wafdi ra’iisul wasaaraha hogaaminayo oo ku sugan dalka Mareykanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com