Dhageyso: Galka Baarista oo shaaciyay xog dheeri ah oo la xiriirta miisaaniyadda DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Barnaamijka Galka Baarista ee VOA ayaa toddobaadkan diirada lagu saaray miisaaniyada dowladda federaalka Soomaaliya, taasi oo dhawaan uu saxiixay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kadib markii uu ansixiyay baarlamaanka.

Miisaaniyadda sanadkaan oo korortay, kana badan tii sanadkii hore ayaa gaareysa $973,985,805, oo dollar, waxaana hore aad uga dooday xildhibaanada labada gole oo ugu dambeyntii ansixiyey.

Sanad kasta waxaa kororta miisaaniyadda dowladda, waxaana jira kobac dhaqaale oo dakhliga gudaha ka soo xarooda ah, sida ay qirayaan hey’adaha ku shaqada leh miisaaniyadda dowladda.

Galka Baarista ayaa qeybaha uu dul istaagay ee miisaaniyadda dowladda waxaa kamid ah dhaqaalaha ku baxaya safarada iyo la-taliyeyaasha, taasi oo sanadkaan loogu daray tobanaan Milyan.

“Wasaaradda Arrimaha Dibedda oo qaabilsan xiriirka caalamiga waxa kharashaadka safarada iyo shirarka ugu jira shan boqol oo kun oo dollar, Wasaaradda qorsheynta Qaranka waxa ugu jira hal milyan iyo shan boqol oo kun oo dollar, halka sanadkii hore ay ka aheyd boqol iyo toddoba & konton kun oo dollar.”

Muniir Sheekh Axmed oo ah aqoonyahan dhanka Bangiyada iyo Maaliyadda oo lagu wareystay Galka Baarista ayaa sheegay in kororka miisaaniyada uu inta badan ka yimid dakhliga dibedda laga helo.

“Lacagta lagu bixiyo la-talinta waxay muujineysa in waddanka uusan ku kalsooneyn inay howsha fulin karaan ayada oo aan lala talin,” ayuu yiri.

Wasiirka Maaliyadda ayaa asaguna dhankiisa difaacay kharashaadka safarada iyo la-taliyeyaasha, isaga oo sheegay in qeyb muhiim ah ka yihiin howlaha dowladda federaalka Soomaaliya.

“Lacagahaasi marka loo eego howsha lagu qabanayo ma badan, laakiin waxay badan yihiin marka loo eego miisaaniyadeena yar iyo boqoleyda ay ka noqonayaan. Miisaaniyadeena yar ayaa soo saareysa in safarada ay badanayaan,” ayuu yiri.

“Safarada waxay noqonayaan dhowr arrimood, kuwa arrimaha dibadda lagaga shaqeeyo oo kulamada caalamiga ah ee qeybta ka nahay la tago, waa ogtahay waxay u baahan tahay lacag adag oo wafdi tago oo adduunkii kamid tahay ayey noqonayaan.”

Waxaa xusid mudan in miisaaniyada sanadkaan ay noqoneyso tii ugu badneyd abid ee ay meel-mariso dowladda federaalka Soomaaliya.

Hoos ka dhageyso barnaamijka oo dhameystiran: