Madaxweyne Muuse Biixi oo digniin u diray dowladda federaalka iyo Puntland

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo maanta ka hadlay xiisadda maalmihii dambe ka taagneyd Laascaanood, ayaa digniin adag u diray dowladda federaalka Soomaaliya iyo Puntland, oo uu sheegay inay ka dambeeyaan xaaladda taagan.

Muuse Biixi ayaa sheegay in xukuumadda Somaliland ay diyaar u tahay xal ka gaarista qalalaasaha ka taagan Laascaanood, islamarkaana ay ku filan yihiin ka maamul ahaan xalinta mushkiladaasi.

“Waxaa ka shirnay dhibaatada Laascaanood ka taagan sidii loo xalin lahaa, waxaanu isla garanay in Somaliland ay ku filan tahay howlaheeda, oo ay xalin karto arrintaa. Waxaanu tacsi u diraynaa dhamaan dadkii ku dhintay Laascaanood, oo si kadis ah oo lama filaana arrintaasi Laascaanood uga dhacday,” ayuu yiri madaxweynaha Somaliland.

Muuse Biixi ayaa muhiimadda koowaad ku sheegay sugida amniga, isaga oo tilmaamay in markaas kadib laga howl-gali doono dhibaatada dhacday iyo xalinteeda.

“Talaabada ugu horaysa ee aan qaadayno waxa weeyi in nabada magaalada si buuxda loo sugo, kadibna waxgaradka reer Laascaanood lagala shaqayn doono xal u helista dhibta taagan.”

Madaxweyne Biixi ayaa sidoo kale waxa uu dowlada federaalka Soomaaliya ku eedeeyay inay ka dambayso dagaalka uu maamulka Deni uu sheegay, isaga oo tilmaamay in Somaliland dhulkeeda difaacayso, xataa haddii shanta maamul goboleed soo weeraraan, sida uu hadalka u dhigay.

“Maanta anagu waxaanu u taaganahay nabad iyo jaar wanaag, waxaananu leenahay dagaal lagama faa’iidee ka joog,” ayuu yiri madaxweynaha Somaliland, isaga oo u digay siyaasiyiinta qaarkood iyo maamulka Puntland ee ku baaqay in Somaliland ay ka baxdo Sool.

Waxa uu markii u horeysay shaaciyay in Somaliland ay qabatay inta badan dadkii dilalka ka geystay magaalada Laascaanood, taasi oo sabab u aheyd in magaaladaasi ka billowdaan dibadbaxyada isku rogay rabshadaha.

“Laascaanood dadka lagu dilay 2009 ilaa maanta waa 40 qof, waxa la qabtay 32 qof, 8-na waa fakad, waxaa la xukumay 23, 7 kiis kooda ayaa socda, 2-na maxkamaduhu way siidaayeen, dadk la dilay 24 ayaa ah masuuliyiin Qaran, 16-na waa shacab lagu dilay waxay taageersan yihiin dowlada Somaliland.”

“Mushkilada Laascaanood Somaliland oo dhan ayaa iskugu tagaysa, anaga oo walaalahayo waxa gaadhay ka xun, waana nu xalin karnaa,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay madaxweyne Muuse Biixi.