Dhageyso: Gen. Morgan oo xog badan bixiyey

Nairobi (Caasimada Online) – Gen. Maxamed Siciid Xirsi (Morgan) ayaa mudo dheer kadib waxa uu waraysi siiyey Madasha #60 isagoona ka hadlay arimo badan oo quseeya guud ahaanba dalka Soomaaliya Iyo dhibaatada laga dhaxlay dagaaladii salka ku hayey Qabiilka.

Morgan ayaa waxaa la weydiiyey su’aalo badan oo la xiriira xaalada dalku uu marayo 25-sano kadib, dagaalo uu ku galay deeganada Jubooyinka iyo maamulka Jubaland ee hadda laga dhisay, Qaabka ciidamo Soomaaliyeed loo dhisi karo, Fikrada uu ka qabo in Soomaaliya cagaheeda dib ku is taago, Faragelinta shisheeye iyo arrimo kale oo Xasasi ah.

Sidoo kale waxaa wax laga waydiiyey Gurigi u ah madaxtooyada maamulka Somaliland oo uu sheego inuu isagu dhisay, Dawladda uu Hogaamiyo Madaxwayne Xasan sheekh iyo sidoo kale Dhibaatooyinka ka taagan dalka Soomaaliya ee ay ugu danbaysay Weerarkii Hotel maka Al-mukarama.

Halkan hoose ka dhageyso Wareysiga