“Hal ARRIN oo ugu wacan hanasho la’aanta DF Soomaaliya ee amniga magaalada MUQDISHO”

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo inta badan DF Somalia lagu dhaliilo xaqiijin la’aanta Amaanka Magaalada Muqdisho iyo Gobolada ku xeen-daaban ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Prof. Ibraahim Muuse Heeroow oo kamid ah aqoonyahaanada Soomaaliyeed.

Prof. Ibraahim ayaa sheegay in DF Somalia ay kusii fogaaneyso dayacnaanta Amaanka Magaalada Muqdisho, waxa uuna tilmaamay in mudooyinkaani dambe ay soo ifbaxayaan Ciidamo hubeysan oo baaritaano kadib aan la ogeyn halka ay raacsan yihiin.

Waxa uu tilmaamay in dhamaan arrintaasi ay sabab u tahay Ciidmada Dowlada Federaalka oo u dhisan hab qabiil.
“Wey dhacdaa Ciidamo badan oo aan ka amarqaadan Saraakiisha aqoonta u leh xirfada Ciidanimo, waxaad xiliyada qaar aad arkeysaa Askari ka amarqaadanaaya mid lagu keenay shaqada Hab qabiil oo aan tababar u heysan dhanka Ciidanimada”.

Mar wax laga weydiiyay sida qabyaalada looga bixi karo ayuu hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in DF Somalia ay Hay’adaha Amaanka ku dhaqdo Cadaalada islamarkaana shaqsi waliba ay ugu abaalmariso waxa uu xaqa u leeyahay oo uu ka gaaray heerka aqoontiisa.

Ugu dambeyntii, Prof. Ibraahim, ayaa DF Somalia ku dhaliilay ka faa’iideysi la’aanta aqoonyahaanada ku jira Dowlada oo aan ilaa iyo hada lagu qiimeyn aqoontooda, waxa uuna meesha ka saaray in Somalia ay nabad ka dhalankarto waa haddii maamulka uu sii ahaado mid ku dhisan qabiilka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com