Dhuusomareeb oo maanta loo kala hari doonin

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa maanta la filayaa iney tagaan wafuud kala duwan oo la filayo iney la kulmaan odayaasha ku sugan magaalada Dhuusomareeb.

Xogta Caasimada Online ay heshay ayaa sheegeysa in maanta la filayo magaalada Dhuusomareeb uu tago safiirka dowlada Soomaaliya ee dalka Ethiopia Axmed Cabdi Salaan, kaasi oo magaalada la doonayo inuu kula kulmo waxgaradka magaalada.

Wararka qaar ayaa sheegaya in masuuliyiin kale laga sugayo iney maanta tagaan magaalada Dhuusomareeeb ee gobolka Galgaduud.

Caasimada Online, ayaa sidoo kale ogaatay in wafdi uu hogaaminayo gudoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Mahad Cabdalle Cawad uu isna tagi doono magalaada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud.

Wararka ayaa sheegaya iney doonayaan in odayaasha laga dhaadhiciyo halka lagu qabanayo shirka maamul u sameynta gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya, maadaama madaxweynaha Xasan ay ku adkaatay inuu odayaasha u sheego in Cadaado shirka lagu qabanayo.

Sidoo kale waxaa la filayaa in wafdi IGAD ah ay magaalada tagaan, inkastoo aan xog faahfaahin ka heynin wafdigaasi.

Maalintii shalay ayaa wafdiga Axmed Cabdi Salaan laga sugayay magaalada Dhuusomareeb laakiin dib u dhac ayaa ku yimid, waxaana la qorsheynayaa iney maanta tagaan magaaladaasi.

Odayaasha qaar ayaa Caasimada Online u sheegay in ujeedada safarka wafdiga tahay sidii magaalada looga furi lahaa shirka maamul u sameynta gobolada dhexe, taasi oo dhabarjab ku noqon doonto madaxweynaha Soomaaliya oo doonaya in shirka lagu qabto magaalada Cadaado.

Caasimada Online
Xafiiska Galgaduud
Caasimada@live.com