Dhageyso: Go’aankii Xildhibaanada Xawaadle ay u gudbiyeen XASAN SHEEKH oo laga hor-yimid!!

Muqdisho (Caasimada Online)-Kadib markii sideed xildhibaan oo kamid ah baarlamaanka Soomaaliya ay madaxweynaha dalka u gudbiyeen warqad ay ku dalbanayaan in Hiiraan kaligiis maamul loo sameeyo ayaa arintaasi waxaa ka hor yimid waxgaradka Hiiraan.

Wasiiro iyo xildhibaano hore oo ku shiray magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa shaaciyay iney ka xun yihiin go’aanka ay qaateen xildhibaanada kasoo jeeda Hiiraan.

Cali Cabdulaahi Cosoble, oo horay usoo noqday wasiir kana mid ahaa siyaasiyiinti ku kulmay magaalada Beledweyne ayaa sheegay iney wadaan qorshe lagu mideynayo Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Siyaasiyiinta kasoo jeeda Hiiraan oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in xildhibaanada matala Hiiraan ay wadaan qorshe ay dantooda u fiirsanayaan, sida uu hadalka u dhigay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com