Waa goorma maalinka koowaad ee RAMADAAN?

Makkah (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhowaaqday in maalinta berri oo khamiis ah ay tahay maalinta koowaad ee bisha Ramadaan.

Sidoo kale, Caalamka islaamka intiisa badan ayey maalinta Khamiista ah ee ku beegan 18.06.2015 u tahay maalinta u horeysa bisha barakaysan ee Ramadan.

Dalalka Sucuudi Caraabiya, Masar, Iran, Indunuusiya iyo qaar kale oo badan oo ka mid ah caalamka Islaamka ayaa maalinta Khamiista laga soomayaa.

Sida Nebi Muxamed yiri (NNKH) arag ayaa lagu soo mayaa haddii la idinka qariyo bisha ama aad arki weydaan bisha Shacbaan ayaa la dhamaystirayaa, sidaas ayaana taariikh loogu soomayaa, maadaama Shacbaan ay maanta ahayd 30.

Bisha Ramadaan ayaa Nebi Muxamaed (NNKH) ku dedaali jirey cibaadada waxaana uu laba laabi jirey sadaqadda iyo waxtarta masaakiinta, waxaana uu Muslimiinta ku boorin jirey in ay dhexda u giijistaan bisha Ramadaan cidaabo iyo camal wanaagsana la yimaadaan.

Waa bil barakaysan, waxaa la xiraa Ibleyska ku dhaartey in uu bini’aadamka waddada xaqqa ah ka leexinaayo, waxaa la furaa albaabada jannada, waxaana rabbi u ballan qaadey dadka sooma in ay jannada ka galayaan albaab la yiraahdo RAYAAN

Dhamaan shaqaalaha Caasimada Online waxay farxadda la wadaagayaan akhritayaasheeda, waxaana leenahay rabbi ha inaka aqbalo camalka kiisa wanaagsan. RAMDAAN KARIIM