Dhageyso: Guddoomiyaha Gedo oo jawaab ka bixiyey hadalkii Axmed Madoobe

Garbahaarey (Caasimada Online) – Maamulka Gedo ayaa jawaab ka bixiyay hadalkii Axmed Madoobe kasoo yeeray ee la xiriiray doorashada kuraasta 16-ka ee deegaan doorashadoodu tahay magaalada Garbahaarey. 

Gudoomiyaha gobolka Gedo Axmed Buulle Maxamed (Canjeex) ayaa sheegay inuu la yaabay hadalka madaxweynaha Jubaland ee ahaa inay qabanayaan doorasho xor iyo xalaal ah.

Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa xalay carabka ku adkeeyay in 16-ka kursi ee ay degaan doorashadoodu tahay magaalada Garbahaarey aanay ka hari doonin doorashada dalka ka socota.

Axmed Madoobe ayaa sidoo kale sheegay inay diideen qorshe ka yimid beesha caalamka oo ahaa in isaga iyo Farmaajo ay min 8 kursi u kala qaataan kuraastaas, oo qofkiiba uu 8 musharax soo saarto

Waxa uu intaa ku daray in mar-naba aan la qeybin doonin kuraasta gobolka Gedo islamarkana uusan ka tanaasuli doonin hal kursi oo kuraastaasi ka mid ah.

Hase yeeshee waxaa arrintaas gaashaanka u daruuray maamulka gobolka Gedo oo sheegay in arrintaas ay u baahan tahay dib u heshiin maamulkaas laga dhex sameeyo, doorashaduse ay sideedii u dhacdo.

Gudoomiyaha gobolka Gedo Axmed Buulle Maxamed ayaa sheegay in Axmed Madoobe iyo ra’iisul wasaare Rooble ay qorsheynayaan in doorashada kuraasta 16-ka ah lagu qabto magaalada Muqdisho, oo ay beesha caalamka korjoogto ka noqoto. 

Axmed Buulle ayaa sheegay inay marwalba diyaar u yihiin doorashadii loo ballansanaa in lagu qabto magaalada Garbahaarey, ayada oo aanay wax dhibaao ah ka dhicin.