Dhageyso: Guddoomiye Cabdirisaaq oo faah-faahiyey wixii maanta ka dhacay Villa Hargeysa

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga qaban-qaabada doorashada guddoonka Golaha Shacabka ayaa markii u horeysay shaaciyay in xarunta Golaha Shacabka ee Villa Hargeysa uu ka xirtay Taliyaha Booliska Soomaaliyeed.

Guddoomiye Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in Taliye Xijaar uu ku amray inaysan xarunta Villa Hargeysa ku shaqeyn karin, xili markii hore ay wajahayeen culeyso dhanka amniga ah iyo ku shaqeynta xaruntaas.

“Guddi ahaan maalmihii hore waa u adkeysanay oo waa ku shaqeynay (Xarunta Villa Hargeysa ee BF) inaga oo og in amnigeena uu khatar ku sugan yahay. Markii horeba ma qabin in lagu shaqeeyo xarunta, waxay ku dhex taalla Villa Somalia. Waa ogtahay aragtida ay ka qabaan doorasho inay ka dhacdo dalka, waxaa markii dambe go’aan ku qaadanay in halkaas doorasho ka dhicin,” ayuu yiri Guddoomiye Cabdirisaaq.

Sidoo kale waxa uu nasiib darro ku tilmaamay in Taliye Xijaar uu amro in la xiro xarunta Baarlamaanka ee Villa Hargeysa, taasi oo la fahamsan yahay in gadaal ka riixeyso kooxda Villa Somalia.

“Waxaa ku shaqeynayna meelo kale hadda oo ma rabo in aan sheego sababo la xiriira amniga dartiis. Waxaa diyaarsanay meelo kale oo aan ku shaqeyno,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Guddoomiye Cabdirisaaq ayaa walaac xoogan ka muujiyay xaaladaha amni ee isa-soo taraya xili loo balansan-yahay doorashada guddoonka Golaha Shacabka oo ay hawsheeda wadaan.

Dhawaan unbey aheyd markii uu Guddoomiye Cabdirisaaq uu shaaciyay in doorashada Guddoonka Golaha Shacabka laga bedelay halkii ay ka dhici laheyd ee Xarunta Villa Hargeysa loona bedelay hoolka Afisiyooni.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in kulamadii ugu dambeeyey ee xarunta ay ka dhaceen falal amni darro sida hoobiyeyaal lagu soo tuuray dhismaha Villa Hargeysa, xilli uu socday kulanka Baarlamaanka iyo shalay oo ay ugu dambeysay oo xabad ay ku dhacday Qaboojiyaha.

Qaar ka mid ah xildhibaanada cusub ayaa horey u dalbaday in doorashada guddoonka Golaha Shacabka lagu qabto xerada Afisyooni iyagoo xusay in ammaanka Villa Hargeysa aan la isku haleyn karin.

Si kastaba, Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka ayaa loo balansan-yahay inay dhacdo maalinta berri ah ee 27-ka bishaan April, ayada oo maanta lagu kala baxay doorashadii Guddoonka ee Golaha Aqalka Sare.