Taliye Xijaar oo ka jawaabay eedihii loo jeediyey ee carqaladeynta doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ahna Guddoomiyaha Guddiga Amniga Doorashooyinka S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, ayaa beeniyey eedo loo jeediyey oo ku saabsan inuu maanta xirtay xarunta baarlamanka ee Villa Hargeysa.

Xijaar ayaa sidoo kale beeniyey in Ciidanka Booliska uu shalay Guddomiyaha KMG ee Baarlamanka u diideen Teendhada Hangarka, halkaasi oo lagu dhaarin lahaa qaar ka mid ah xildhibaanada cusub, gaar ahaan kuwa lagu soo doortay Ceelwaaq. Hoos ka aqriso qoraal kasoo baxay Xijaar. 

War-saxaafadeed 

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed isagoo u fulinaya si waafaqsan habraacyada iyo heshiiska doorashada iyo waajibaadka guud ee ciidanka, waxa ay sugayeen amniga doorashada qaran ee dalka intii ay socotay Doorashada Xildhibaannada dhammaan gobollada dalka, dhaarinta Xildhibaanada iyo xaqiijinta amniga iyo xasilloonida dalka.  

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxa uu beeninayaa wararka aan sal iyo raadka toonna lahayn ee baraha bulshada lagu soo bandhigay, oo ahaa: 

1. In Boolisku hor istaagay shaqada Golaha Shacabka ee Xarunta Villa Hargaysa iyo 

2- In Ciidanka Booliska uu shalay Guddomiyaha KMG ee Baarlamanka u diideen Teendhada Hangarka, oo ah wax laga xumaado in dad Ma’uuliyiin ah abaalgud uga dhigaan Ciidanaka Booliska oo shaqo adag u haya ummada Somaaliyyed. 

Haddaba, Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxa uu caddeynayaa in;  

1. In aysan jirin Ciidan Boolis ah oo saaka joogay Xarunta Villa Hargaysa, oo ay amnigeeda sugaan ciidamo kale oo aan ahayn Booliska, mana jirto ciidan boolis ah oo saaka tegay halkaas.  

2. U diyaargarowga Doorashada Aqalka Sare oo ka socotay Teendhada Afisyooni awgeed, booliska iyagoo gudanaya waajibaadkooda, sidii caadiga ahayd, waxaa shalay Xarunta ka socday howlo amniga lagu sugayo, waajibaadka amni ee badqabka goobta, hubinta amniga mas’uuliyiinta, hawl-wadeennada, marti-sharafta iyo warbaahinta iyadoo la raacayo habraacyada doorashada, mana jirin shaqo ku saabsan Golaha shacabka oo halkaas ka socotay. 

Waxaanna rajeynaynaa in si nabad ah Allah noogu dhammayn doono hawlaha qaran ee ay ugu horreeyaan Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka iyo midda Madaxweynaha Jamhuuriyadda. 

Waxaan markale shacabka Soomaaliyeed iyo cid kasta oo danaynasa xasilloonida iyo amniga dalka uga mahadcelinaynaa wadashaqaynta iyo wadajirka. 

Mahadsanidiin
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed