Rooble oo amar culus siiyey ATMIS kahor doorashada guddoonka BF ee berri

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku amray ciidamada ATMIS in ay si degdeg ah ula wareegaan amniga teendhada Afisiyoone, kahor doorashada guddoonka Golaha Shacabka ee berri. 

“Anigoo tixgelinaya caqabadaha amni ee lagu carqaladeynayo dhammeystirka doorashada, waxaan faray ciidanka nabad ilaalinta ATMIS in ay si degdeg ah ula wareegaan amniga teendhada Afisiyoone si aan u taabba-galinno doorashada guddoonka Baarlamaanka, uguna diyaar garowno doorashada Madaxweynaha bisha soo socota,” ayuu Rooble ku yiri qoraal uu soo saaray. 

“Hoggaanka ATMIS waxay si dhow ula shaqeyn doonaan xafiiskayga iyo Wasaaradaha Amniga iyo Gaashaandhigga iyo waliba Guddoonka Baarlamaanka,” ayuu yiri Rooble.

“Sidaas darteed, liiska xildhibaannada galaya teendhada Afisiyoone waxaa soo gudbinaya guddoomiyaha KMG ah, kaddibna waxaa hubinaya oo ATMIS u gudbinaya xafiiskeyga.” 

Tallaabada uu qaaday Rooble ayaa imaneysa ayada oo laga cabsi qabo in berri la carqaladeeyo doorashada guddoonka Golaha Shacabka, ayada oo ay jiraan warar sheegaya in Villa Somalia ay waddo qorshe noocaas ah.

Guddoomiyaha guddiga qaban-qaabada doorashada guddoonka Golaha Shacabka Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa maanta sheegay in xarunta Golaha Shacabka ee Villa Hargeysa uu xirtay Taliyaha Booliska Soomaaliyeed.

Guddoomiye Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in Taliye Xijaar uu ku amray inaysan xarunta Villa Hargeysa ku shaqeyn karin, xili markii hore ay wajahayeen culeyso dhanka amniga ah iyo ku shaqeynta xaruntaas.

“Guddi ahaan maalmihii hore waa u adkeysanay oo waa ku shaqeynay (Xarunta Villa Hargeysa ee BF) inaga oo og in amnigeena uu khatar ku sugan yahay. Markii horeba ma qabin in lagu shaqeeyo xarunta, waxay ku dhex taalla Villa Somalia. Waa ogtahay aragtida ay ka qabaan doorasho inay ka dhacdo dalka, waxaa markii dambe go’aan ku qaadanay in halkaas doorasho ka dhicin,” ayuu yiri Guddoomiye Cabdirisaaq.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ahna Guddoomiyaha Guddiga Amniga Doorashooyinka S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, ayaa beeniyey eedahaas.

Xijaar ayaa sidoo kale beeniyey in Ciidanka Booliska uu shalay Guddomiyaha KMG ee Baarlamanka u diideen Teendhada Hangarka, halkaasi oo lagu dhaarin lahaa qaar ka mid ah xildhibaanada cusub, gaar ahaan kuwa lagu soo doortay Ceelwaaq. Hoos ka aqriso qoraal kasoo baxay Xijaar.