Dhageyso: Guuleed oo u jawaabay musharixiinta

Cadaado (Caasimada Online) – Musharax C/kariin Xuseen Guuleed, oo maalmihii ugu dambeeyay dhaliilo kala duwan kala kulmayay musharixiinta ku sugan magaalada Cadaado ayaa arintaasi markii ugu horeysay ka jawaabay.

Dhaliilaha loo jeedinayay Guuleed waxaa kamid ahaa inuu faragelin ku hayo gudiga farsamada maamul u sameynta gobolada dhexe, isaga oo taageero ka helaya xubnaha wasaarada arimaha gudaha ee ku sugan magaalada Cadaado.

Guuleed, wuxuu sheegay inuu yahay musharax doonaya in la doorto, laakiin marnaba aysan suurto gal aheyn inuu ka qeyb qaato waxyaabo sii fogeyn kara  dhismaha maamulka loo sameynayo gobolada dhexe.

Wuxuu dhankiisa eedeyn uu u jeediyay xubnaha saxiixayaasha maamulka gobolada dhexe oo uu sheegay iney dhankooda ay kala direen gudiga farsamada maamulka gobolada dhexe.

Wuxuu aad kaga soo horjeestay in gudiga la kala diro, isaga oo sheegay inaan marnaba taasi la aqbali karin, been abuurna ay tahay inuu isaga ka dambeeyo xiisadaha ka taagan magaalada Cadaado.

Caasimada Online
Xafiiska Galgaduud
Caasimada@live.com