Guddiga farsamada gobolada dhexe oo jawaabay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanayo Magaalada Cadaado, ayaa sheegaya in Guddiga Farsamada ee DF Somalia u xilsaartay Maamul u sameynta Gobolada Mudug iyo Galgaduud ay talo xumi ka muujiyeen inay kala diri karaan Odayaasha iyo Saxiixayaasha, iyaga oo xusay inay awood buuxda ka heystaan Dowladda iyo Beesha Caalamka.

Cumar Cali Rooble oo ah Afhayeenka Guddiga Farsamada ayaa warbaahinta maxaliga ah u sheegay in Guddiga shaqadooda aysan waxba u dhimi doonin Guddi kale oo laga barbar dhisay, isaga oo sheegay in howshooda ay iminka u socoto sidii loo qorsheeyay.

Nuqul kamid ah hadalka Cumar Cali Rooble ayaa ahaa “Hadda waxaanba xareynay, Ergada Shirka, waxaa noo dhiman wax aan badneyn iyagana waan soo gabagabeeneynaa”

Saxiixayaasha Maamulka Gobolada dhexe ayaa sheegay inay kala direen Guddiga kadib markii ay ku eedeeyeen in aysan dhexdhexaad ka aheyn geedi socodka Shirka.

Dhamaan arrimahaani ayaa imaanaya iyadoo uu weli Khilaaf baahsan ka taagan yahay Magaalada Cadaado ee Xarunta Maamulka Ximan iyo Xeeb, halkaasi oo uu ka socdo shirka G/dhexe maamulka loogu dhisaayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com