TARSAN: Somalia kaalin ayay ka gashay musuqa

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamuud Ahmed Nor ”Tarsan” ayaa si adag uga hadlay saameynta Musuq maasuqa uu ku yeeshay qaarada madow, gaar ahaan Dalka Somalia.

Qoraal uu kusoo bandhigay baraha bulshada, ayaa waxa uu ku sheegay in Somalia uu dhulka la galay waxa loogu yeero ”Musuq-maasuqa” oo saameeyay nolosha shacabka Soomaaliyeed.

Nuqul kamid ah qoraalkiisa ayaa u qornaa ”Somalia waxay noqotey wadanka caalamka ugu musuq-maasuqa badan sanadkii tegey 2014 darajada waxay u dhaxeysay 0-100 wadankasta inta uu ka darajo badanyahay ayuu ka musuq-maasuq yaryahay”

”Somalia waxa ay sanadkii afaraad noqotey wadanka ugu musuq-maasuqa badan, hadii ay sidaani kusii socto xaalku waxa uu noqonayaa mid kasii hoosmara halka uu iminka taagan yahay”

Waxa uu intaa raaciyay hadalkiisa ”Waxaan xasuustaa xili gudiga Amniga Qaranka uu fadhi leeyahay ayaa waxaa la soo diyaariyey waxa soo hoos gelikara Amniga Qaranka, waxaana la keenay in uu musuq-maasuqa uu khatar ku yahay Amniga Qaranka, waxa ayna Somalia gashay nambarka kowaad”

Tarsan waxa uu si adag uga digay saameynta uu reebi karo Musuq-maasuqa iyo heerka uu gaarsiin karo itaal darida Somalia.

Dhanka kale, waxa uu DF Somalia ku booriyay inay isha ku heyso dhibta ka dhalankarta Musuqa, si ay uga feejignaato kusii baahida dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com