Go’aan cusub oo kasoo baxay wasiirka arrimaha gudaha oo abuuri doona jahwareer cusub (Xog)

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha & Federalka Somaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa), ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inaanan la kala diri karin Guddiga Farsamada ee Gobolada Dhexe.

Madaxda Ahlu Sunada Gobolada Dhexe iyo Galmudug, ayaa waxay Arbacadii kala direen Guddiga Farsamada, ka dib markii ay si buuxdo ugu eedeeyen inay ka amar qaataan oo keliya Madaxtooyada Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug General Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid), ayaa Sabtidii Magaalada Cadaado kaga dhawaaqay Guddi Farsamo, si loo helo Guddi si cadaalad ah dadka deegaanka ugu adeegi kara.

Hadaba Wasiirka Arrimaha Gudaha, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay kala dirista Guddigii Farsamada ee Dowladdu aqoonsanayn iyo midkii shalay looga dhawaaqay Magaalada Cadaado.

Wasiirka, ayaa wuxuu wax sharci ah uu ku tilmaamay Guddiga Farsamada ee Dowladdu aqoonsan tahay, isagoo intaa ku daray inay iyaga oo qura ka sii hawlgeli doonaan Xarunta Ximan iyo Xeeb ee Cadaado.

C/raxmaan Maxamed Xuseen, ayaa waxa uu Siyaasiyiinta Gobolada Dhexe uu ugu yeeray inay joojiyan carqaladda ay ku yihiin Maamul Goboleedka la doonayo in lagu askumo Magaalada Cadaado.

Wasiir Odawaa oo la hadlay laanta afka Somaliga ee VOA, ayaa ku celiyay in meel wanaagsan ay mareyso Dhismaha Maamul U Samaynta Gobolada Dhexe.

Go’aanka Odawaa ayaa sii xumeyn doona xaaladda cakiran ee shirka Cadaado.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com