Dhageyso Galeyr: Turubka hanalaga baandheeyo

Muqdisho (Caasimada Online) Madaxweynaha maamulka Khaatumo State Cali Khaliif Galeyr ayaa maanta ka hadlay arimo badan oo ka mid ah siyaasadda dalka ka jirta, iyo sidoo kale hanaanka hadda loo waafajiyo Dastuurka maamulada la dhisayo.

Galeyr oo khudbad ka jeediyay Munaasabad dib loogu furayay urur lagu magacaabo USB, kaasi oo ka mid ahaa ururadii ka qeybgaley xureyntii gobalada waqooyi ee dalka Soomaaliya ayaa sheegay in ururkaan uu kaalin ka qaatay halgankii dalka, islamarkaana isaga iyo siyaasiyiin kale ay garteen in dib ay u dhisaan.

Dhinaca kale waxa uu sheegay Galeyr in Dastuurka dalka u yaalla uu qabo in federaalka uu asal u noqonayo 18-ka gobal ee dalka Soomaaliya, balse aanu jirin gobalo kale oo intaasi ka dheer.

“Sida Dastuurka sheegayo 18-kii Gobal ee jiray bishii December 1990-kii, Dastuurka aynu leenahay cidii doonaysa in ay wax ka bedasho waa in meel loo dhan yahay lagu bedalaa, laakiin Dastuurka waxaa ku yaalla 18-ka gobal ayaa asal u noqonaya habka Federaalka, gobaladii is raacaya iyaga ayeey quseysaa” ayuu yir Galeyr.

Dhinaca kale waxa uu ka hadlay xildhibaanada gobalada waqooyi ay ku leeyihiin baarlamaanka Soomaaliya, isaga oo sheegay in iyagii oo badnaa hadana hoos loo dhigayo waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Horta baarlamaankaan Xamar ka dhisan USB ama waqooyi wixii la oran jiray tirada ugu jirtaa waa imise, waa 58 xildhibaan, 30 ka mid ah waa intii la baxday USB, bal xisaabta in ay qaldan tahay, hadana waxaa la leeyahay marka laga hadlayo waqooyi ama Koonfur ama shir maalmahaan la qabanayay laga hadlayo 28-kaas ayaa marti loo yahay, war horta Turubkaas hanalaga baandheeyo” ayuu hadalkiisa ku daray Galeyr.

Halkaan hoose ka dhageyso

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com