Xog kasoo baxeyso sababta madaxweyne Xasan Shiikh uu Mudugta Puntland uga reebay G/dhexe

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo aan ka heleyno xubno ka tirsanaa wafdiga Madaxaweyne Xassan ku wehlinaayay booqashadii Garoowe, ayaa sheegaya in Madaxweyne Xassan uu heshiis hoose la gaaray Madaxweynaha Maamulka Puntland C/weli Gaas.

Ilo wareedka ayaa sheegaya in markii hore Madaxweyne Xassan uu ka biyo diidanaa in Mudugta ay maamusho Puntland laga reebo dhismaha Maamulka Gobolada Dhexe, balse markii dambe uu ogolaaday in Puntland loo madaxbaneeyo qeybteeda kadib markii halkaasi uu ka dhacay heshiis hoose oo labada mas’uul wada gaareen.

Madaxweyne Xassan oo doonaayo in muddo hal sano ah ku kororsado wakhtigiisa, ayaa waxa uu C/weli Gaas ku xiray inuu taageero go’aanka uu ku doonaayo in wakhti kororsi ku sameeyo Dowladiisa, loona baahan yahay in arrintaasi uu ku taageero si lamid ah sida ay u taageeren Shariif Xassan iyo Axmed Madoobe.

Gaas ayaa lagu soo waramayaa in isna uu Xassan Sheekh ku xujeeyay in Mudugta Puntland uusan raacin G/Dhexe si uu u taageero go’aankiisa ah inuu sameeyo wakhti kororsi, waana tan ka dambeysay in Xassan Sheekh uu ku dhawaaqo in Mudugta Puntland aysan raaci doonin G/Dhexe.

Madaxweyne Xassan oo muddo kooban ay uga harsan tahay wakhtigiisa, ayaa waxa uu iminka wadaa qorsho uu beesha Caalamka ku horgeynaayo in muddo dheeri ah loogu daro dowladiisa maadaama uusan ku filneyn wakhtiga.

Kaliya caqabada uu Xassan kala kulmi karo Beesha Caalamka ayaa ah in go’aanka wakhti kororsiga ay taageeraan Maamul Goboleedyada dalka, taasina ay u sahleyso inuu la hortago warqado ay Seddexdaasi Madaxweyne Goboleed u saxiixeen inuu kororsan karo wakhtiga.

Dhanka kale, Madaxweyne Xassan ayaa waxa uu wajiga labaad ee shirka wadatashiga federaalka uga faa’iideystay arrimihiisa gaarka ah, waxa uuna ka talaabay shuruucdii dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com