Goorta uu dhaaayo wejiga seddaxaad ee SHIRKA wadatashiga iyo goobta oo shaaca laga qaaday!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Hogaamiyaha Maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Madoobe oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Kismaayo ee xarunta Maamulka Jubbaland, ayaa ka hadlay xilliga uu qabsoomayo kulanka 3-aad ee madasha wadatashiga madaxda dalka Somalia, kaasoo wejigiisi labaad shalay lagu soo afmeray magaalada Garoowe.

Axmad Madoobe ayaa sheegay in wejiga Sedaxaad ee shirka wadatashiga dowladda Federaalka iyo maamul gobaleedyada la filaayo in lagu qaban doono Magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose.

Waxa uu sheegay in shirka uu qabsoomayo muddo ku siman laba bilood iyo maalmo kadib, waxa uuna cadeeyay in Maamulka Jubba uu iminka usii diyaar garoobaayo martigalinta shirkaasi.

“Waxaan u maleynayaa reer Jubaland warbaa u yaala. wacdaraa ka jirtay garoowe, laba bilood iyo wax yar ka dibna Kismaayo ayaa la rabaa in la isugu yimaado”

Marka laga soo tago iclaaminta goorta la qabanaayo shirka iyo goobta lagu qabanaayo oo ah Jubaland, Madaxweynaha waxuu diray fariimo dhowr ah oo ku wajahan bulshada Jubaalnd, kuna saabsan martigelinta shirka.

Waxa uu bulshada dareensiiyay culeyska iyo Mas’uuliyada martigelinta shirka, wuxuuna bulshada qeybaheeda kala duwan u diray baaq ah in loo guntado Mas’uuliyadaas iyo soo dhaweynta martidaas qaaliga ah.

Dhanka kale wuxuu ishaaray soo dhaweyntii iyo martisoorkii quruxda badnaa ee reer Puntland, waxuuna reer Jubaland ku booriyay in ay soo bandhigaan mid lamid ah, amaba ka sii qurux badan martisoorkii reer Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com