Odawaa oo u jawaabay GUULEED iyo QEYBDIID

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arimaha gudaha xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ugu horeyn kaga hadlay shirka maamul u sameynta gobolada dhexe ee ka socda magaalada Cadaado.

Wasiir Odawaa, ayaa cadeeyay in meel wanaagsan ay marayaan shirka maamul u sameynta gobolada islamarkaana wasaarada arimaha gudaha xukuumada Soomaaliya ay dadaal badan u gashay sidii maamulkaasi loo dhisi lahaa.

Wuxuu amaan kala dul dhacay gudiga farsamada maamul u sameynta gobolada dhexe oo uu sheegay iney dadaal dheeri ah u galeen sidii loo keeni lahaa odayaasha ka qeyb galaya shirka maamul u sameynta gobolada dhexe.

Dhanka kale wasiir C/raxmaan Maxamed Odawaa ayaa si dad badan jawaab u siiyay qaar kamid ah Musharixiinta gobolada dhexe iyo saxiixayaasha maamulka Galgaduud iyo Mudug.

Wuxuu sheegay iney jiraan dad carqalad ku haya maamulkaasi la doonayo in gobolada dhexe laga dhiso kuwaasi oo uu ku tilmaamay iney dano gaar ah leeyihiin.

“Waxaan rabaa inaan dadka Soomaaliyeed u sheego in shaqada dhisida maamul u sameynta gobolada dhexe meel wanaagsan ay mareyso, waxaa jiro dad dano siyaasadeed wata oo wax walbaa mucaaradaya, gudiga Farsamada waxay dhisan yihiin muddo 8 bilood ah wax badan ayay qabteen” ayuu yiri Odawaa.

C/xasan Cawaale iyo C/kariin Xuseen Guuleed ayaa kaso horjeestay shirkii kusoo dhamaaday magaalada Garoowe ee maamulka Puntland waxaana C/xasan uu kamid ahaa dadkii kala diray gudiga farsamada maamul u sameynta gobolada dhexe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com