Fashilka ka imaan doona qodobadii madaxweyne Xasan Sheekh uu u saxiixay maamulka Puntland!

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo inta badan qodobadii kasoo baxay Heshiiska DF Somalia iyo Maamulka Puntland ay ku kala saxiixdeen Magaalada Garoowe ayaa waxaa soo baxaayo dhaliilo farabadan oo hawada loo marinaayo Madaxweyne Xassan iyo Dowladiisa.

Shariif Xuseen Roobow oo ka mid ah aqoonyahanada dalka, ayaa aad u dhaliilay qaabka uu Madaxweyne Xassan Sheekh u meelmariyay rabitaanka Puntland, waxa uuna sheegay in dhamaan qodobadaasi ay cawaaqibteeda kusoo laaban doonto DF Somalia.

Shariif Xuseen waxa uu intaa ku daray in badi qodobadaasi laga lahaa dano gaar ah oo ay baahi u qabtay Puntland, waxa uuna tusaale usoo qaatay arrinta gobalka Mudug, taasi oo uu ku sheegay in laga yaabo dhibaato dambe in ay keento, balse Madaxweyne Xassan uusan ka fakirin Masiirka Umadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale, waxa uu Tilmaamay in Maamulka Puntland ay xili waliba u taagan tahay in loo raaco rabitaankooda, hayeeshee taasi ay meesha ka saareyso Hanaanka Siyaasadeed ee DF Somalia.

Waxa uu sheegay in hadda sida ay wax u wado Puntland ay tahay in ay doonayso in uu dhismo maamul ku dhisan beel, maadaama gobalka Mudug la kala qeybiyay waa sida uu hadalka u dhigaye.

Geesta kale, waxa uu meesha ka saaray in Madaxweyne Xassan dhamaan howlahaasi uu ku saleynaayo hirgalinta Nidaamka dowladnimo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com