Khilaaf meel xun gaaray oo ka dhextaagan Uhuru Kenyatta & Amina Maxamed + waxa la isku hayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa ku amray Wasiirada Arrimaha dibedda ee dalkiisa, Amina Mohamed inay dib ugu soo laabato Nairobi, kadib, markii ay dalka Maraykanka ku joogtay booqasho ay kaga qeyb geli lahayd Shirweyne Caalami ah oo uu Madaxweyne Uhuru Kenyatta ka baaqday.

Wargeyska The Sunday Nation ee ka soo baxa magaalladda Nairobi ayaa maanta qoray inuu sii laba-lixaadsanayo Khilaafka Madaxweyne Uhuru Kenyatta kala dhexeeya Amina Mohamed oo ka soo jeeda Soomaalida Reer Kenya.

Ilo-wareedyo aya u sheegay Wargeyskaasi inuu Madaxweyne Uhuru ku amray Amina Mohamed inay qalabkeeda ICT ku wareejiyo Dr. Fred Mariangi oo iyada ku wehliyey safarkii ay ku tegtay Maraykanka.

Wargeyska waxa uu qoray in amarka ay dib uga soo laabatay Maraykanka uu bixiyey Madaxa Hawlaha Rayidka Kenya, Joseph Kinyua.

Ilo-diplomaasiyadeed ayaa sheegay inay Amina Mohamed ka naxday go’aankaasi, kama soo qeyb gelin Shirarka uu Madaxweynaha ku qaabilayo Madaxda iyo Diplomaasiyiinta shisheeyaha ee booqasho sharafta ugu imaanayo.

Danjiraha Maraykanka u jooga Kenya, Robert F. Godec ayaa isaga soo baxay Kulan uu la yeelan lahaa Amina Mohamed, kadib, markii uu arkay inuu Dr. Fred Mariangi wakiil uga yahay Madaxweyne Kenyatta dhamaan shirarka.

Mas’uulkaasi sida KMG loogu dhiibay hawlihii Amina Mohamed ayaa la sheegay inuu Madaxweyne Uhuru Kenyatta ku wehliyey Kulamadda u la yeeshay Madaxweynaha dalka Rwanda, Paul Kigambe iyo Ra’isul-wasaarihii hore ee dalka Britain, Tony Blair oo booqasho ku tegay Nairobi.

Ilo dhinaca Diplomaasi ayaa sheegay in Dr. Fred Mariangi uga wakiil yahay Madaxweyne Uhuru Kenyatta dhamaan arrimaha iyo isagoo si joogto ah Madaxweynaha u gudbiya Warbixinadda Maalinlaha.

Dhinaca kale, mar uu Wargeyska Sunday Nation Telefoonka kula hadlay Amina Mohamed, waxay u sheegtay inay weli hayso xilka Wasiirka Arrimaha Dibedda.

Balse mar dambe oo ay farriin qoraal SMS u dirtay Wargeyska ayey ku sheegtay inuu geeriyooday qof ay ehel yihiin, taasina ay sababtay inay hawsha ka dhex muuqanin.

Warar uu Wargeysku helay ayaa sheegay in Khilaafka Uhuru Kenyatta iyo Amina Mohamed uu salku hayey hadal ay sheegtay markii ay joogtay dalka Maraykanka ee ahaa inay shan Qunsuliyad ka furan doonaan magaallooyinka Dallas, Boston, Minneapolis and Chicago ee dalkaasi.

Xigasho:- Sunday Nation, Nairobi

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com