Shirkii Garoowe: Madal lagu bartay damaca reer Puntland (6 arrin oo gef ah oo soo shaac baxay)

By Asad Cabdullahi Mataan

Saddex maalmood oo ay Garowe ku shirayeen madaxweynaha dowladda federaalka iyo madaxweynayaasha maamulada dalka, is mari waa iyo khilaafaad nuxurkiisu ahaa Putland oo dacwad u qabta dowladda Federaalka kadib waxaa maanta la soo saaray war-murtiyeed shirka laga soo saaray.

Shirkan oo asalkiisu ahaa in looga hadlo hiigsiga cusub wuxuu gebi ahaantiisa isu bedelay shir Puntland leedahay oo danaheeda looga hadlayo iyadoo ay marti gelinta shirka uga faa’iideysatay in shirku noqdo masrax ay culeys ku saarto kuna feenato wafdiga dowladda federaalka.

24-ka saac ee madaxweyne Xasan Sheekh kuma filnaan inay Puntland kaga qanacdo danaha ay ka lahayd dowladda federaalka, ee wuxuu shakigu taagnaa ilaa waqtigii ugu danbeeyay ee la qorayay wixii shirka laga soo saari lahaa. Ujeedka ugu weyn ee Puntland wuxuu ahaa maamulka goboladda dhexe oo ay dooneysa inuusan marka hore saameyn ku yeelan dhinaca ay ka taliso ee Mudug, marka labaadna dadaal ugu jirta inay sharci ahaan fashiso maamulkaasi.

Culeyska ay Puntland saartay wafdigii dowladda Federaalka waxaa si cad looga akhrisan karay wareysigii hunguri weyni  siyaasadeed ka muuqday ee wasiirka warfaafinta Puntland siiyay Idaacadda VOA-da intii aanu shirka soo idlaan. Heerka damaca Puntland wuxuu hareeyay shirkii Garowe isagoo aan waxba u reebin martidii kale ee Jubba iyo K/Galbeed. Puntland waxay ku adkeystay in heshiis cusub u saxiixo madaxweyne Xasan Sheekh, arrintaas oo ay diideen wafdigii dowladda Federaalka, laakiin wixii ay dooneysay in loo saxiixo waxay ku qoratay war-murtiyeedka.

Inta aanan war-murtiyeedka qodobadiisa, waxaa marka hore is weydiin leh waxa uu yahay WAR-MURTIYEED iyo farqiga u dhaxeeya HESHIIS. War-murtiyeed wuxuu u dhow yahay ama la mid yahay WAR-SAXAAFADEED, wuxuuna ka koobnaa hal ama laba bog oo lagu qoro xaalad jirta ama warbixin looga bixiyo arrimo dhacay, War-murtiyeedka waxaa lagy qoraa ereyo diblomaasiyadeed, taasoo micnaheedu yahay inaan wax go’aan ah lagu gaarin (Tuseele: waxaan ku heshiinay laguma qoro).

Haddii aan u soo daadegno guud ahaan war-murtiyeedka ka soo baxay shirka Garowe, waxaan oran karnaa:

  • Waxaa loo qoray si khalad ah oo khilaafsan war-murtiyeedyada
  • Wuxuu gef ku a haa ka qeybgalayaashii kale ee shirka sida Maamulada Jubba iyo K/galbeed oo aan qodobna ku lahayn.
  • Wuxuu ahaa wax aan u qaadmin dowladda Federaalka inay tixgelin gaara siiso mid kamida maamulada dalka ka jira
  • Wuxuu caqabad ku yahay Guddiyada heer qaran oo howlahii loo xil saari lahaa laga hordhacayo
  • Wuxuu Puntland siinayaa inay ka hor dhacdo dhismaha ciidamada qaran oo keligeed si sharci darro ah markii hore 3000 ciidan loogu qoondeeyay heshiis ay 12-ka April 2015 la saxiixdeen Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid ay haddana dhaqaale uga doonayaan dowladda federaalka
  • Wuxuu gef ku yahay qeybsiga kheyraadka dalka oo Guddi loo saarayo halkii ay ahayd in dastuurka loo dhaafo iyo xeerar uu soo saaro Baarlamaanka.

Guud ahaan war-murtiyeedkan waxaa la oran karaa wuxuu caqabado kale ku hor gudbayaa nidaamka federaalka oo hadda u muuqda inuu sii xoojinayo kala shakiga dowladda federaalka iyo dowladaha kale, wixii ka dhacay Garowe waxay fariin xun u direysaa maamulada KMG ah ee dhismay kuwaasoo oo dhaqan siyaasadeedka Puntland ka baran doona marka ay dhinacooda timaado sida loo ihaaneeyo dowladda federaalka. Balse war-murtiyeedka soo baxay ma jirto wax macne ah oo uu soo kordhinayo iyo cid ku qasban inay fuliso dhinac walibana sidii uu doono u fasirin karo.